Since 1960 – xafiisyada socdaalka somaliland oo qalabayn casri ah lagu samaynayo

Related Post

Xafiisyada Socdaalka Somaliland oo Qalabayn Casri ah Lagu Samaynayo

Tuesday, 22 January 2008

Berbera (Maan)- Madaxa Hay’adda  Socdaalka  Somaliland  Maxamed  Cismaan  Caalin ayaa Maanta  shaaca ka qaaday  in dib u dhis   lagu samaynayo xafiisyada  laamaha Socdaalka ee dalka oo qalab casri ah  lagu qalabayn doono.

Madaxa Laanta Socdaalka Maxamed Cismaan oo u waramayay Warbaahinta  Isagoo  ku sugan  Madaarka Berbera,  waxa uu intaa ku daray  in  dayactirkan  iyo dib u dhiskan ay maal galinteeda  bixisay  hay’adda Caalamiga ah ee IOM.

Madaxa  Hay’addaasi   Caalamiga ah  IOM  ee Somaliland Mr Iuliam Circo , ayaa  sheegay in  hay’adiisu   ay hore hay’adda Socdalka uga caawin  jirtay  dhinaca  tababarada  iyo kor u qaadista  aqoonta  shaqaalaha.

Laamaha Socdaalka ee dalka , waxaanu xusay  in haatan   ay dhigayaan xafiisyada  qalab casri ah oo  shabakad  isku xidha dhamaan Laamaha  socdaalka ee dalka , iyadoo dadka diyaaradaha  saaran iyo kuwa ka dhoofayaba  ay saari doonaan waxa loo yaqaano Computer System .

Madaxa hay’adaasi   waxa kale oo uu sheegay in   hay’adiisu  deeqda  ka  hesho dawlada Ingiriiska  , iyadoo sanadkiiba  ku caawisa Nus Malyuun Doollar , iyadoo Mashruucani  hada la bilaabayaa ay  hor dhac u yihiin Mashaariic  soo socota.

By: Somaliland Nation/ Berbera

Leave a Comment