Mustaqbalka javier pastore ee psg oo ……………………….. | www.somalifootball.com

Related Post

Published on November 20, 2012 by Bile   ·   No Comments

Xiddiga Naadiga PSG Javier Pastore ayaa u muuqda mid isaga huleeli doono naadigiisa kadib markii uu mugdi soo galay mustaqbalkiisa dambe, dhanka kale naadiga Ac Milan ayaa muujisay baahida ay u qabto inay la soo saxiixato xiddiga caalamiga reer Argentina/

Naadiga ku cayaarto Garoonka San SIro ayaa aad u quud dareynayso in xiddiga ay ku soo biiriso cayaartoydooda, ninka u qaabilsan arimaha sportiga naadiga Ac Milan Ariedo Braida ayaa u arka in 23 jirkaas uu yahay nin muhiim u ah naadiga sidoo kalena wax weyn kusoo kordhin kara khadka dhexe ee naadiga.

Cayaaryahanka oo ka cayaara Khadka Dhexe ee Weerarka waxa uu naadiga PSG uga soo biiray dhanka naadiga reer talyaani ee Palermo xagaagii 2011 isagoo durbadiiba noqday xiddig  muhiiim u ah nadiiga PSG isagoo boos joogto ah ka helay kooxdiisa, si kastaba arinku ha ahaadee qaab cayaaredka xiddiga oo hoos u dhac ku yimid darted waxa uu waayay inuu xili cayaareedkaan helo boos jooogto ah kadib markii uu Macalin Carlo Ancelotti uu inta badan xiddiga ku haayo kursiga keydka naadiga.

Hadii qaab cayaaredka xiddiga aysan ku imaan isbadal waxaa xiddiga u furan inuu raadsado naadigi uu ku biiri lahaa, iyado Milan ay u dhuun dalooso helitaanka xiddiga, Nadiiga PSG ayaa goan ka qaadan doonto iibka xiddiga hadii uusan sameyn horumar la taaban karo.

Inkastoo naadiga Reer France ay xiddiga ku soo qaateen aduun lacageed oo gaarayo €40 million mudo hada lag joogo 15 bilood, dhanka kale Rossoneri ayaa rajaynaysa in ay xiddiga ku hesho €20M oo lagu daray xiddiga daafaca kaga cayaara ee Ignazio Abate.

Qandaraaska xiddiga uu ku la jiro PSG ayaa ku eg sanadda 2016, hadaba xaalka cayaaryahanka oo meel xun ku jiro aawadeed ma la is dhihi karaa in xiddiga uu dib ugu soo laabto dhankaa iyo talyaaniga iyadoo Milan ay doondooneyso xiddiga.
W/D: Wardher Maalin

Xiriirka FIFA iyo Ururka Isku Taga Cayaartoyda Aduunka ee Loo yaqaan FIFPro waxa ay shaaca ka qaadeen 20 …

Normal
0

Naadiga Chelsea iyo Juventus ayaa xalay waxaa dhex maray kulan adag oo ka tirsan Champions League, iyadoo kulankaas …

Xiddiga Naadiga PSG Javier Pastore ayaa u muuqda mid isaga huleeli doono naadigiisa kadib markii uu mugdi soo …

Macalinka Naadiga Chelsea Roberto Di Matteo ayaa dhaliilay  Daafaca The Blues uusan eheen mid wanaagsan kadib guuldaradi niyad …

Weeraryahanka Man City Sergio Aguero ayaa wali ku kalsoon in ay u furantahay wadadi ay ugu soo gudbi …

Ninka ugu sareeyo Naadiga Liverpool Tom Werner ayaa balan qaaday in xiddiga weerarka uga cayaara Naadiga Luis Suarez …

Naadiga Man Utd oo horey ugu soo baxday wareega 16aad ee koobka Naadiyada Yurub ee loo yaqaan “Uefa …

Waxaa ugu dambeyn daaha laga qaaday sida ay isku arki doonaaan xulalka ka qeyb galaya koobka xiisaha badan …

Xiddiga Naadiga AC Milan Ignazio Abate ayaa la xaqiijiyay inuu garoomada ka maqnaan doono mudo labo usbuuc ah …

Leave a Comment